Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Dowladda oo War kasoo saartay dagaal lagu le’day oo ka dhacay Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa ay baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay deegaano hoostega Magaalada Beladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasaaradda ayaa ku boorrisay Odayaasha dhaqanka, culima-udiinka, ganacsatada, dhalinyarada, ururrada haweenka iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan Masuuliyiinta ka socda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalka dhexmaray beelaha .

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay ku boorrinaysaa labada beelood ee walaalaha ah oo ay dirirtu dhxemartay joojinta dagaalka.

Exit mobile version