WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo shaacisay khasaaro badan oo ka dhashay howlgal laga fuliyey Mudug

By xuseen waashitoon

February 18, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Afcad ee Gobalka Hiiraan lagu dilay in ka badan 50 dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana xubnaha la dilay ku jiray saraakiil sar sare.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa sheegay in howlgalka oo ay fuliyeen ciidanka xoogga, kuwa NISA iyo Mareykanka lagu bartilmeedsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo howlgallada lagu qabtay xubno isugu jiray kuwa dhaawacyo ah iyo kuwa bad qaba oo uu ku jiro sarkaalkii Caafimaadka iyo Qaraxyada ee gobalka Mudug Salmaan Daahir oo lagu qabtay gobalka Mudug, sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidanka Qaranka maleeshiyaad ka soo baxay khawaarijta goobo kala duwan.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dhulkii ay ku dhuumanayeen Al-Shabaab, Hub badan iyo saanado kale oo ay isticmaalayeen khawaarijtu.

“Dowladda  Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an dhammeystirka howlgalka xididdada loogu siibayo Shabaabka, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri Warka DFS.