WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo shaacisay in lagu kala tegay Shirkii ka socday Dhuusamareeb

By Xuseen Post

February 06, 2021

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socday Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Dubbe oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa  uu sheegay in shirka Madaxda aad  looga dooday saddex qodob oo uu ka taagnaa khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa, kuwaasi oo kala ahaa arrinta Gobolka Gedo, Guddiyada la magacaabay iyo Arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Waxaa uu sheegay in qodobada laga doodayay heshiis ka gaari waayeen Madaxda, isla markaana Dowladda Federaalka tanaasul sameeysay, hayeeshee markii dambe la isku mari waayay arrimo dhowr ah, sidaasina lagu kala tegay.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Arrinta Gobolka Gedo uu diiday Madaxweynaha Jubbaland tallooyin dhowr ah oo lasoo jeediyay, kuwaasi oo loo arkay in lagu xalin karo, waxaana kamid ahaa in dib u heshiisiin laga sameeyo deegaanada Jubbaland, sidoo kalena Guddiyo xaqiiq raadi ah loo saaro arrintaas, balse uu diiday Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Wasiir Dubbe in Xukuumadda ogolaatay in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi 4 xubnood ku yeesho Guddiga doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, balse uu diiday Cabdi Xaashi.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Dubbe ayuu shaaciyay in shirka lagu kala tegay, isla markaana Shir kale ay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir isugu yimaaan doonaan, si looga hadlo xaaladda dalka, in kastoo aan la shaacin waqtiga iyo halka lagu qabanayo.

Si kastaba Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan qasoomida doorashada dalka ka dhaceysa, iyadoona Madaxda cadaadis ku  saartay inay shir deg deg ah isugu yimaadan, si xal loo gaaro, wallow markii dambe Shirkaas oo ka socday Dhuusamareeb uu kusoo dhammaday natiijo la’aan.