Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo Maanta Ciidamo hor leh ku daabushay Gobolka Gedo iyo xaaladda oo…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale maanta ciidamo hor leh ku daad gureysay Gobolka Gedo, kuwaasoo ka degay Garoonka Diyaaradhaa Magaalada Doolow.

Wararka laga helayo Doolow ayaa sheegaya inuu xiran yahay Garoonka oo kaliya ay ka degayaan ciidamo dowladda Federaalka ka qaadeyso Muqdisho, waxaa maanta la sheegay inay ilaa saddex duulimaad oo ciidamo cusub ah iyo saanad ka degaan Doolow.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay Sawirro kasoo qaadan Ciidanka dowladda ku daabushay Doolow, iyadoo Garoonka diyaaradaha ay galeen Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin soo dhaweynayay Ciidanka halkaas gaaray.

Shalay ayaa ciidamadii ugu badnaa dowladda u daad gureysay Gobolka Gedo, waxaana cidamada la geeyay ka mida kumaandooska gorgor iyo ciidamo nooc cusub ah oo la sheegay in lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Xaaladda Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa kasii dareysa, iyadoo Maamulka Jubbaland ay horey walaac darran uga qabeen Gobolkaas, sidoo kalena sheegay in dowladda halkaas ka wado khal-khal gelin amni iyo faragelin xoogan.

Exit mobile version