WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo Digniin kasoo saartay Haamo kusoo Caariyey Xeebta Sh/Dhexe

By xuseen waashitoon

February 27, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Digniin kasoo saartay Haamo ama fuustooyin aan la aqoonin waxa ku jira oo kusoo caariyey laguna arkay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

War-saxaafadeed kasoo baxaya Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Haamaha oo looga shakiyay inay sun ama kiimiko ku jiraan ay muddo dheer yaalleen xeebta Cadale, iyadoona arrintaas walaac laga muujiyey.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa lagu sheegay in wasaaradda sida ugu dhaqsiyaha badan ay u qorshayneyso in ay koox khubaro ah u saarto arrintan, kuwaas oo baaris ku sameeyn doono hamaha.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamay inay si deg deg ah ku gaari doono degmada Cadale, sidoo kale Wasaaradda xariir la sameeysay maamulka Cadale, waxaana la isla meel dhigay in si kumeel gaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan.

Shacabka degaanka ayaa  la faray in ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo laga shakiyay ee walaaca laga muujiyay waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.