Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo beenisay in Ciidamo la wareegeen Wasaaradda Warfaafinta

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa beenisay warar maanta lagu faafiyey baraha bulshada, isla markaana laga sii daayey warbaahinta madaxa banaan kuwaasoo sheegayey in ciidamo  ka tirsan Villa Somalia ay la wareegeen xarunta Wasaarada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa aannu la socodsiinaynaa in aanu jirin ciidan qabsaday Wasaaradda Warfaafinta JFS” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in amaanka Wasaarada Warfaafinta uu yahay mid sugan “Wasaaradda Warfaafintu waa hay’ad dowladeed, amnigeeduna wuu sugan yahay, waxaana masuul ka ah  Hay’adaha Amniga Qaranka” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Duhurnimadii ciidamo dheeri ah oo ka tirsan koofiya Casta Madaxtooyada la geeyay gudaha dhismaha Wasaaradda warfaafinta sida ay  xaqiijiyeen qaar kamid ah weriyayaasha ka shaqeeya warbaahinta dawladda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu amray in shaqadiisa uu sii wato” Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.

Exit mobile version