HORUFADHI MEDIA |

Dowladda oo Amar Culus dul-dhigtay diblomaasiyiinta Soomaalida ee ku sugan Kenya

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale soo saartay Amaro ku socda Muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku sugan Soomaaliya iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgalla Gudaha Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muddo 5 cisho ah loogu qabatay inay dalka ku soo galaan diblomaasiyiinta, u qeybsanayaasha, shaqaalaha hey’adda socdaalka ee ka howlgala Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Diblomaasiyiinta iyo xubnaha kale ee amarka lasoo saaray uu ku socdo ayaa waxaa la faray inay fuliyaan amarkaas kasoo baxay dowladda Federaalka, kadib markii dowladda ay xiriirka u jartay Kenya.

Sidoo kale waxaa gebi ahaan shaqada joojisay Safaaradda dowladda Federaalka ay ku leedahay Magaalada Nairobi, iyadoona la filayo in todobaadka soo socda Albaabada loo laabo Xaruntaas, iyadoo dadka lagu wargeliyay in adeegyada la joojiyey.

Dowladda ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin baahsan ku heyso Arrimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland  oo ay ku cadaadisay fulinta danno gaar ah, kuwaasi oo lagu sheegay inay ku aadan yihiin doorashada ka dhaceysa 2020/2021.

Hoos ka Akhrsio Amarka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka.

Exit mobile version