Site icon HORUFADHI MEDIA |

DEG DEG:-Kenya oo u yeedhatay Safiirka ka jooga Soomaaliya ka Soomaliyana Dalkeeda ka saaraysa.

Muqdisho (HM)-Dowladda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeedii ka joogay magaalada Muqdisho, waxayna amartay safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi inuu dalkeeda isaga baxo.

Amarkan ayaa goor dhoweyd kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya, sida shaacisay warbaahinta dalka Kenya, waxaana arrintan sabab looga dhigay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay xuduudda Badda ee Kenya iyadoo tartan gelisay Bad ay leedahay dalka Kenya si shidaal looga baaro Soomaaliya.

Waa xaaladii ugu xumeyd ee diblomaasi oo soo dhex gasha dalalka Somalia iyo Kenya, iyadoo saacadaha soo socda la sugayo tallaabada ay qaado dowladda Somalia, waxayna Kenya ka mid tahay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Exit mobile version