WARARKA SOOMAALI

Dowladda Jabuuti oo War kasoo saartay xaaladda Colaadeed ee ka jirta Itoobiya

By xuseen waashitoon

November 18, 2021

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalka ka socdo dalka Itoobiya, kaas oo saamayn weyn ku yeeshay horumarkii dhaqaale ee ka jiray dalkaasi Jabuuti.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawale ayaa walaac ka muujiyay inuu meesha ka baxo horumarka dhaqaale ee labaatankii sano ee ugu dambeysay ay Jabuuti sameynaysay.

Wasiirka ayaa sheegay in laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay ay Jamhuuriyadda Jabuuti khasaartay lacag u dhiganta laba bar hantida qaranka, oo u dhiganta hal dhibic toddobo milyan oo dollar ($1.7B), ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii dalkaasi.

Wasiirka ayaa yiri “Jabuuti, dagaal ma awooddo oo waa dal yar oo shacab hal milyan ah ay ku nool yihiin, oo caqabado badan-na la kufaa-dhacaya. Marka ma’aha in ay dadku culeys kale oo aan loo baahnayn na saaraan, iyadoo caqabaduhuna ay taagan yihiin.”

Kala bar dakhliga guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka soo xaroon jiray canshuuraha ay ka qaaddo badeecadaha dalka Itoobiya uga soo degga Dekedda Jabuuti, taa oo hoos u dhaca ku yimid laga dareemay waddada laamiga iyo khadka tareenka ee isku xira labada dal, tan iyo intii uu dagaalku ka bilowday waqooyiga Itoobiya.