WARARKA SOOMAALI

Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay Dagaalka ka socda Itoobiya.

By Abdi rashid

November 17, 2020

Jabuuti (HM) –Xukuumadda Jabuuti ayaa war cusub ka soo saartay colaadda iyo dagaallada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga gobolkaasi.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay dadaal kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyo TPLF iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale waxa ay Jabuuti intaasi ku dartay inay mar-weliba taageereyso midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee Itoobiya.

“Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya,” ayaa lagu yidhi qoraalkan.

Dowladda Jabuuti waxay sidoo kale intaasi ku dartay in ay in si weyn uga walaacsan-tahay dagaallada ka soo cusboonaaday waqooyiga dalkaasi.

Hadalkan ka soo yeeray Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli xaalad adag ay ka taagan waqooyiga wadanka Itoobiya oo ay haatan ka socdaan weeraro iyo dagaallo culus oo u dheexeya ciidamada milatariga TPLF iyo kuwa federaalka ee dalkaasi.

Horufadhi News