WARARKA SOOMAALI

Dowladda iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay Dagaalka ka socda Yooman

By xuseen waashitoon

October 12, 2022

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka culus ee Maanta ka socda deegaannada Yooman iyo deegaano kale oo hoostega degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeyay Ciidank dowladda, dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Yasooman iyo Beera-yabaal oo ay ku sugnaayeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay intaas kusii dareen inay dileen in ka badan 100 Askari, isla markaana ay ku qabsadeen dagaalkii saaka dhacay Gaadiid dagaal oo fara badan, oo ay lahaayeen Ciidanka dowladda.

Dhinaca kale Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Dagaalkii saaka ka dhacay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan iyo Qasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Warka lagu sheegay inay 20 tirsan maleeshiyada Alshabaab ku dileen degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen, iyadoo ka War helay xogta weerarka Al-shabaab.

Ma jiro cid xaqiijisay qasaaraha dagaalka ee labada dhinac, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u culus oo Al-shabaab ay saddex jiho kasoo weerarreen labada degaan, iyagoo kasoo wareegtay degaankii dagaalladu ka socdeen ee Jicibow.