WARARKA SOOMAALI

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo ka shiray xaaladda Abaaraha jira

By xuseen waashitoon

June 11, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii looga wada-tashan lahaa wajihidda xaaladda abaaraha ee ka jirta dhammaan gobollada dalka iyo u gurmadka dadka sida daran abaaruhu u saameeyeen, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah.

Ergeyga ayaa sidoo kale warbixino ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Dowlad Goboleedyada ay kala matalayeen ka dhageystay Wasiirrada, waxaana si weyn looga dooday fursadaha jira iyo caqabadaha ood-qaadka u baahan.

Ugu danbeyn, Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada, waxa ay ballan qaadeen in ay si wadajir ah u dardar geliyaan una fududeeyaan howlaha gurmadka Abaaraha iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Ergeyga.