WARARKA SOOMAALI

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay ku xadgudubka Madaxweynaha Faransiiska ee Diinta Islaamka.

By Abdi rashid

October 29, 2020

Muqdisho (HM)-Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa si taxadar leh uga hadashay hadalo qadaf ku ah diinta islaamka ee ku dhowaaqay Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Marcron.

Qoraal xilli dambe ee caawa ka soo baxay Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan;-

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

Horufadhi News