WARARKA SOOMAALI

Dowlad xadkeeda ku xannibtay boqollaal tahriibayaal ah, xili ay ka dhacayaan…

By xuseen waashitoon

November 09, 2021

Maamulka Dalka Poland ayaa sheegtay in ay ka hortageen isku day boqolaal tahriibayaal ah oo doonayey in ay dalkaasi ka soo galaan dhanka bari ee dalka ay jaarka yihiin ee Belarus.

Maamulka ayaa sheegay in xadka ay geyeen ciidamo dheeraad ah, ilaalada xuduudaha iyo booliis si ay uga hortagaan kumanaan kale oo la tilmaamay in ay ku sii jeedaan xadka Poland. .

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u sii socda dhanka xuduudka iyo qaar isku dayaya in ay jebiyaan xayndaabka ku sameysan xuduudda iyaga oo isticmaalaya bir iyo walxo kale.

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamulka magaalada Minsk ee Belarus  inay ku dhiirigelinayso muhaajiriinta ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika inay u gudbaan Poland, Lithuania iyo Latvia .