WARARKA SOOMAALI

Dowlad soo saartay Go’aan ay uga noqotay in Galbeedka Qudus tahay Caasimada Israa’iil

By xuseen waashitoon

October 19, 2022

Dowladda haatan ka talida dalka Australia ayaa sheegtay inaysan mar dambe u aqoonsan doonin Galbeedka Quddus in ay tahay caasimadda Israa’iil,kadib markii dowladdii hore ee uu hoggaaminaayey ra’iisul wasaare Scott Morrison uu sannadkii 2018-kii ku dhawaaqay falkaasi aqoonsiga ah.

“Maanta dawladdu waxay dib u xaqiijisay mawqifkii hore ee Australia,waxayna Qudus u aragtaa in lagu xalliyo wada xaajood kasta oo nabadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo dadka Falastiiniyiinta,” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Penny Wong.

Wong wuxuu ku celceliyay in safaarada Australia ay sii ahaan doonto Tel Aviv ,isagoo intaa raaciyay in dowladda ay ka go’an tahay xal laba dawladood ah oo Israel iyo Falastiin ay ku wada nool yihiin nabad iyo amni.

Go’aankaan cusubi waxa uu bedelay aqoonsigii hore ee ay ku dhawaaqeen Xukuumaddii Morrison ee ka horeysay tan xilligaan.

Maqaamka Qudus waa mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee la doonayo  in heshiis nabadeed ay ka wada gaaraan  Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.