Site icon HORUFADHI MEDIA |

Doorashadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia oo Maanta lasoo gaba-gabeeyay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo sabti ah lagu soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Galmudug,

Doorashadii Maanta dhacday ayaa waxaa lagu doortay laba Senator oo kamid noqday Golaha Aqalka Sare, waxaana kursiga 7-aad kusoo baxay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Cod gacan taag ah ku doortay Cabdi Qeybdiid oo helay 83 Cod, halka kursiga 8-aad ee Aqalka Sare ee Galmudug uu ku guuleystay Cabdi Cismaan Xareed, isagoo ka guuleystay Musharax Mahad Guuleed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa ku shaaciyay in doorashadii Maanta ay kusoo baxeen Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Cismaan Xareed, kuwaasi oo kamid noqday Senatorada Aqalka Sare.

Maamulka Galmudug ayaa nqoday maamulka ugu dambeeyay ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Exit mobile version