WARARKA SOOMAALI

Doorashada kursigii laga hor istaagay Fahad Yaasiin oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 25, 2023

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka ciidanka Booliska Soomaaliye ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa Maanta ka dhaceysa Doorashada kursiga tirsigiisu yahay 086, kaasi oo ay doorashadiisa Muqdisho kusoo wareejiyeen Guddiga doorashooyinka.

Doorashada kursigan ayaa la qabanayaa, xilli uu muran badan ka taagan yahay doorashadiisa, kadib markii musharixiinta u taagan ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen in loo diiday inay isdiiwaan galiyaan.

Guddiga KMG ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa tartanka doorashada kursiga 086 u diiwaan-geliyey labada Musharax oo kaliya, Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa ku guuleystay doorashada kursigaas, balse Guddiga ayaa laalay

Kursiga Golaha Shacabka ee Baarklamaanka ee tirsigiisu yahay HOP 086 ayaa deegaan doorasahadiisa aheyd magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana loo soo wareejiyay magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Dugsiga tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay Maanta ka dhaceyso doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka.