WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka bilaabaneysa Garoowe

By xuseen waashitoon

January 22, 2022

Shan ka mid ah kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagu doorto Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Guddiga doorashada shalay dhameystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan kuraastaas ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo sida uu sheegay Guddiga hirgelinta Doorashada ee dowlad Goboleedka Puntland.

Kuraasta maanta lagu dooranayo Garoowe ayaa ah kuwo aan lagu tartameyn oo loo xiray shaqsiyaad gaar ah oo uu wato Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, waana la sii ogyahay xubnaha ku soo bixi doona.

Kuraasta doorashadoodu Maanta ka dhaceyso Garoowe ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin #Hop196, #Hop166, #Hop249, #Hop200 iyo kursiga Hop235 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda.

Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta lagu qabanayo doorashada kuraasta ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee Puntland.