WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

By xuseen waashitoon

November 23, 2021

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo talaado ah ay ka dhacdo Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartamaya 6 kursi oo kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi oo ay  horey u shaaciyeen Guddiga doorashada Somaliland, kuwaasi oo diiwaan-gelintooda lasoo gaba-gabeeyay maalintii shalay aheyd.

Musharaxiinta  Maanta tartameysa ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaalka Axmed Safiino ayaa sheegay in 101 Ergo oo kamid ah Ergada doorashada ay dooranayaan min laba ilaa Saddex kursi, taasina ay fududeyneyso in kuraasta Golaha Shacabka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA