WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Magaalada…

By xuseen waashitoon

December 19, 2021

Waxaa maanta oo axad ah lagu wadaa in Xarunta Dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada afar kursi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddiga hirgalinta doorashada Golaha Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay doorashada afartan kursi ee maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan oo lagu waday in ay shalay dhacdo cilado farsamo dib loogu dhigay mudo maalin ah.

Kuraastan maanta la dooranayo ayaa sumadoodu tahay HOP262, HOP229, HOP254 iyo HOP255, waxaana mid kamid ah tahay qoondada dumarka ay ku fadhiso Xildhibaan hore Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah musharax Madaxweyne.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xili shalay shaqada laga eryay xubno katirsan guddiga xalinta khilaafaadka doorashada kuwa cusubna la magacaabay.