WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

By xuseen waashitoon

January 25, 2022

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah inay Xarunta Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku qabtaan doorashada Saddex kamid ah Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa horay u soo saaray Jadwalka doorashada Saddexda kursi oo qorshuhu ahaa in la qabto doorashadooda shalay oo Isniin aheyd balse dib loo dhigay, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay Ergada dooraneysa kuraastaas.

Kuraasta Saddexda ah ee Guddiga doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ay doorashadooda horay u shaaciyeen ayaa waxaa ay kamid yihiin kuraasta uu muranka ka taagan yahay gaar ahaan kursiga sida weyn ay uga qeylo dhaamiyeen Boqor Buurmadow iyo Cabdi Xaashi ee Hop238.

Doorashada kuraastan ee Maanta dhaceysa ayaa waxaa ayaa kusoo aaday, iyada oo maalmo kahor Boqor Buurmadow, Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Somaliland ay shaaciyeen inay ka baxeen doorashada Golaha Shacabka…

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa horay Magaalada Muqdisho ugu qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.