WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne

By xuseen waashitoon

February 20, 2022

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah ka dhaceysa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada lix kursi ayaa Maanta ka dhaceysa Baladweyne, waxaana shalay Guddiga doorashada Hirshabeelle uu soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya kuraastaas Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP86 oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa waxaa kusoo baxaya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah La-taliyaha amniga Qaranka.

Kursiga HOP008 ayaa waxaa ku tartamaya Musharax Maxamed Deeq Bare Fiyoore iyo Musharaxiin kale, waxaana kursiga ku fadhiyey Dr Xuseen Cabdi Cilmi, halka kursiga HOP015 ay ku tartami doonaan Xiis Xasan Aadan oo  ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Musharaxii kale.

Kursiga HOP274 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, waxaana kursiga ku tartamaya Musharaxiin kale oo shahaado la siiyay maalintii shalay aheyd.

Kursiga HOP109 ayaa waxaa Musharaxiinta ku tartamaya kamid ah Ing Cabdikariin Cumar Xuseen, waxaana kursigaas horey ugu fadhiyey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashadiisa Maanta ka dhaceysa Baladweyne oo tirsigiisu yahay HOP#109  ayaa waxaa ku tartamaya Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdul Fataax Qaasim oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey.