WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 10, 2022

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa Maanta hoolka dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku qabtay doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kursiga Koowaad ee Hop#205 ayaa waxaa ku soo baxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga kadib markii ay tanaasushay Muno Xuseen Faarax, waxaana cod gacan taag ah oo loo qaaday uu helay 99 Cod.

Kursiga labaad HOP#263 ayaa waxaa markale ku guuleystay Muuse Saciid Jaamac oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Khadra Cabdi Maxamed oo la tartami laheyd.

Kursiga Saddexaad ee HOP#240  ayaa waxaa ku guuleystay Cali maxamuud Aadan kadib markii ay u tanaasushay Marwo, Rooda Maxamuud Axmed, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay uu helay 98 Cod, waxaana ka aamusay 2 ruux.

Kursiga Afaraad ee Hop#271 ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Cali Cabdi ibraahim kadib markii ay ku tartamida kursiga ka tanaasushay Marwo farxiya Obsiiye Wacays, waxaana Ergada oo Cod gacan taag ah ugu codeeyay uu helay 90 Cod halka ay ka aamuseen Saddex Ruux.

Kursiga Shanaad ee Hop#241 ayaa Maanta waxaa ku guuleystay Cabdiqani Ismaacil Saciid kadib markii ay ka tanaasushay tartanka Doorashada Marwo Ayaan Ismaaciil Cabdi, waxaana cod gacan taag ah uu ku helay 91 Cod halka ay ka aamuseen 9 Ergo.