WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ka socota Magaalada Dhuusamareeb

By xuseen waashitoon

January 27, 2022

Doorashada afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka socota Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#089 ayaa waxaa ku tartamaya oo loo diiwaan-geliyay saddex Musharax oo kala ah Yaasiin Cabdi Jaamac, Qaasim Cabdikariin Cilmiseed iyo Baar Maxamed Raage, halka kursiga HOP248 loo xiray Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq Jon.

Sidoo kale kursiga HOP096 ayaa ku loolami doono Qaali Axmed Diiriye iyo Xakiimo Xirsi Cali, halka kursiga HOP64 ay ku tartamayaan Ganacsade Maxamed Ibraahim Cali Maxamed Cajiib iyo Cabdullaahi Iimaan Afrax.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta Maanta doorashadoodu ka soocto Magaalada Dhuusamareeb, waxaana doorashada goobjoog ka ah wafdi ka socda Guddiga doorashada Federaalka.