WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas hor leh oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho iyo Jidad la xiray

By xuseen waashitoon

February 10, 2022

Doorashada shan kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta ka dhacaysa hoolka Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kursiga #HOP205 oo lagu bilaabay doorashada shanta kursi ayaa waxaa ku tartamaya Axmed Cabdi Kooshin iyo Muna Xuseen Faarax.

Waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin, ka dib markii Muna ka tanaasushay tartanka, ergada dooranaysay kursiga oo aheyd 99 ayaa Cod gacan taag ah ku doortay, sida uu shaaciyay Guddiga doorashada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa saaka xiray qaar kamid waddooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Jeneraal Kaahiye.

Sababta ay Ciidamada u xireen wadada ayaa ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ka socota Jeneraal Kaahiye, waxaana wadada ku sugan Ciidamada Booliska dowladda…