WARARKA SOOMAALI

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo dhaceysa

By xuseen waashitoon

July 23, 2023

Waxaa Maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ka dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii dhawaan uu xilkaasi iska casilay Guddoomiyihii Golaha Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamaya saddex musharax oo kala ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Cali Xaamud Jibriil  iyo Maxamed Khadar Daahir.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Hargeysa ka socday kulamo ay lahaayeen Xildhibaanada Golaha oo ay uga hadlayaan doorashada maanta dhaceysa, waxaana Xildhibaanada ay kala yihiin kuwa taageersan xukuumadda iyo mucaaradka.

Musharaxiinta u tartameysa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa iyagu wada ololihii ugu danbeeyay ee doorashada, waxaana doorashada ay saacadaha soo socda si toos ah uga bilaabaneysaa xarunta Golaha ee maagalada Hargeysa.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa 11 bishii June 2023 ku dhawaaqay inuu xilkaasi uu iska casilay, sidoona kale waxa uu iska casilay xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland.