WARARKA SOOMAALI

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo Maanta soo Idlaatay

By xuseen waashitoon

February 21, 2022

Guddiga hirgalinta doorashada labada Gole ee Gobollada Woqooyi ee {Somaliland} ayaaa maanta soo geba-gabeeyay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana uu noqonayaa Guddigii ugu horreeyay ee doorashada gebagabeeyay iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay oo ah 25 bishaan.

Tirada guud ee Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa soo billaabatay 1-dii Bishii November ee sanadkii tegay ee 2021, waxaana Xildhibaankii ugu horreeyay ee la doortay uu ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Maanta Saddexdii kursi ee ugu dambeeysay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa la qabtay, kaas oo ay kusoo baxeen laba Rag ah iyo Hal Dumar ah, kuwaas oo kala ah.

Kursiga Hop#243 oo uu horay isaga casilay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa doorashadiisa la qabtay, waxaana Maanta ku guuleystay Marwo Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim.

Kursiga labaad ee Hop#206 ayaa waxaa markale ku guuleystay Maxamed Ibraahim Cabdi oo horay kursigaan ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo, Maryam ibraahim Cabdullaahi.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Gobolada Waqooyi oo ah Hop#259 ayaa waxaa markale ku guuleystay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo kursigaan horay ugu fadhiyay.