Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dooda Soomaaliland ee Xuduudii Isticmaarku Ma dawbaa?-Akhriso

Laascaanod (Horufadhi News) -Markii ay burburtay dawladdii dhexe ee militerigu hoggaaminayeen ee Soomaaliya bishii koowaad ee sanadkii 1991-dii, Soomaalilaand ayaa bishii shanaad ee isla sanadkaas waxa ay ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya.

Soomaalilaand waxa ay gooni isu taaggeeda sabab uga dhigtay, in aysan ku faa’iidin midowgii 1960-kii ee labadii gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysanayeen, waxa aan iyana meesha ka marneyn, caro dadka halkaas deggan ay ka qaadeen dagaalladii dawladdii kacaanka ciidankeedu la galeen ciidamadii jabhaddii SNM iyo wixii burbur, dhimasho iyo barakac ahaa ee arrinkaas ka dhashay, gaar ahaan, magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Dhinaca koofurta Soomaaliya, dawladihii soo maray wixii ka dambeeyey burburkii qaranka, ma aysan oggolaan in Soomaalilaand ay ka go’do dalka intiisa kale, isla markaas na si dhab ah labada dhinac ugama aysan wada hadlin in Soomaalilaand ay noqoto dal gaar u taagan oo ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Bishii siddeedaad ee sanadkii 1998-ddii ayaa waxa magaalada Garoowe lagu dhisay maamulka Buntlaand, iyadoo isimada iyo waxgaradka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ay ka mid ahaayeen dadkii wax ka dhisay maamulka Buntlaand, deegaannadaas oo Soomaalilaand dhinaceeda ay ku doodeysay iney ka mid yihiin dhulka ay ka goyneyso Soomaaliya inteeda kale.

Wixii intaas ka dambeeyey labada dhinac (Soomaalilaand iyo Buntlaand) ayaa gobolladaas ku muransanaa, marar aan yarenna waxaa ka dhacay dagaallo dad badan ay ku dhinteen, kuwaas oo salka ku hayey ku-muransanaanta gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.

Tan iyo intii ay soo laba kacleysey xiisaddii ugu dambeysay ee u dhexeysa Soomaalilaand iyo Buntlaand ee gacan ku haynta gobolka Sool, waxa ay Soomaalilaand soo celcelineysay in dhulka lagu dagaalamayo uu yahay dhul Soomaalilaand ay ku heshay xariiqimihii gumeystihii reer Yurub ku qeybiyeen qaaradda afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalidu ka degto geeska afrikada bari.

Taariikh Kooban

Markii gumeystihii reer Yurub ay qeybsadeen dalalkii afrikaanka ahaa, Soomaalida dhulkii ay degganeyd waxaa loo qeybiyey shan qeybood. Saddex ka mid ah shantaas qeybood waxaa haystay Ingiriiska, waxa uuna laba ka mid ah ku daray dalalka Itoobiya iyo Kiinya. Qeybtii saddexaad waxa ay ahayd Soomaalilaand oo Ingiriisku uu madax banaani siiyey 26-kii bishii lixaad ee sanadkii 1960-kii.

Soomaalilaand waxa ay ahayd markii ay madax banaanida qaadatay laba gobol oo kala ahaa; Waqooyi galbeed oo ay Hargeysa magaalo madax u ahayd iyo Togdheer oo Burco laga xukumay. (Dawladdii kacaanka ayaa saddex gobol ku dartay oo kala ah, Sanaag, Sool iyo Awdal). Bishii toddobaad kowdeedii sanadkii 1960-kii Soomaaliland waxa ay la midowday koofurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumeysanayey oo markaas ka koobnaa lix gobol.

Midowgaas ayaa soo afjaray oo meesha ka saaray xudduuddii gumeystayaashu kala xariiqdeen, waxaana Soomaalidii midowday ay galeen baadigoobka waaxyihii (qeybo) ka maqnaa ee lagu kala daray Itoobiya iyo Kiinya. In kasta oo Soomaalidu ay isku dayday in dhulalkii ka maqnaa ay la soo laabato, haddana kuma aysan guuleysan.

Dalal badan oo afrika ka mid ah ayaa markii ay madax banaanidooda qaateen waxa ay isku qabsadeen dhul, waxaana markii dambe dalalkii afrikaanku ku heshiiyeen in xudduudihii gumeystuhu ka tagay sidoodii loo daayo, si meesha looga saaro is qabqabsiga xudduudaha ku saleysan. Waa dhab oo heshiiskaas waa jiraa, waana doodda ugu culus ee Soomaalilaand miiska soo saarto marka ay ka hadleyso gobollada Sool iyo Sanaag Bari, balse waxaa is weydiin mudan inaan is dul taagno qodobadan soo socda:

  1. Markii dalalka afrika ay ku heshiinayeen in xudduudaha loo daayo sidii gumeysigu uga tagay, dalka Soomaaliya waxaa ka jirtay dawlad mid ah oo baabi’isay xudduuddii gumeystaha.
  2. Markii dalalka afrika ay ku heshiinayeen in xudduudaha loo daayo sidii gumeysigu uga tagay, waxaa dalka ka jirey dastuur baabi’iyey xudduuddii gumeystaha, muranna kama jirin arrintaas.
  3. Dalalkii afrikaanka gumeysanayey ee xadadka u kala sameeyey, ma aqoonsana dal Soomaalilaand la yiraahdo oo hadda jira, waxa ay na Soomaaliya u yaqaanaan hal dal oo aan kala go’in.
  4. Labadii qeybood ee Soomaalida ee 1960-kii midoobay ee xadkii gumeysiga baabi’iyey, kuma aysan heshiin in xudduuddii isticmaarka la soo celiyo oo Soomaalilaand ay dal madax banaan noqoto.

5. Dadka deggan dhulkii Ingiriisku gumeysan jirey (Soomaalilaand) iskuma raacsana in dib loo soo nooleeyo xadkaas oo laga laabto midowgii 1960-kii.

6. Xadka Ingiriiska iyo Talyaaniga ay kala xariiqdeen waxa uu ahaa mid dheer oo kala qeybinayey gobollada Sanaag iyo Bari oo isku beegan iyo Sool iyo Nugaal oo isku began (gobollada Bari iyo Nugaal waxa ay isku ahaayeen hal gobol, halka gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer ay hal gobol isku ahaayeen) Xadkaas waxa uu in yar u jiraa, magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Garoowe –Maxaa xadka yoocada ka duway xudduuddii kale?

Tusaalayaal Mudnaan Leh

Tusaalayaal Ka Baxsan Qaaradda Afrika

Marka la soo uruuriyo warka, xadka Soomaalilaand ku doodeyso, dalalkii xariiqay ma aqoonsana, dunida kalena ma aqoonsana. Astaamaha dawladnimo ee kale ayaa ka maangalsan in ay Soomaalilaand ku dadaasho sidii ay u heli lahayd, sida, Baasaboor la aqoonsan yahay, safaarado, in ay kursi ku yeelato golayaasha gobolka iyo kuwa dunida iyo in mashaariicda iyo deeqaha dunida si toos ah loogu keeno ee aan loo soo marin Soomaaliya, balse iyada oo intaas ba u daba fadhida dawaladda federaalka ee Soomaaliya, dow ilama aha in xad aan sharciyad haysan ay ku dooddo.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

Exit mobile version