WARARKA SOOMAALI

Diyaarado Duqeymo hor leh ka fuliyey degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

By xuseen waashitoon

October 25, 2022

Waxaa xalay mar kale diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga ay duqeymo diyaaradeed ka geysteen deegaanka masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay Saldhiyo waaweyn ku leeyihiin Ururka Al-shabaab.

Dhowr Gantaal ayaa la xaqiijiyey in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kana joogeen deegaanka Cali Guduud, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas, khasaaraha ka dhashay illaa iyo hadda lama oga.

Sidoo kale duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Biyo-cadde ee Shabeellaha Dhexe ayaa lala bartilmaameedsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomeyda oo ay saarnaayeen dagaalamayaal Al-shabaab, isla markaana u socday Cali Guduud.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujiyey burburka gaariga la beegsaday, Dowladda Federaalka iyo saaxiibada ka taageera duqeynta Cirka ah ayaan weli ka hadlin duqeymaha saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka.

Dowladda ayaa shalay sheegtay in duqeymo ka dhacay Shabeellaha Dhexe lagu dilay kuwa 100 xubnood oo kamid ahaa Al-shabaab, isla markaana ay ku jiraan Saraakiil iyo dagaalyahano, deegaanka Cali Guduud ayey Ciidanka dowladda ku adkaatay inay la wareegaan.