WARARKA SOOMAALI

Diyaarado ay leedahay Kenya oo Duqeymo ka geystay degaano ka tirsan Gedo

By xuseen waashitoon

June 15, 2022

Faah faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo duqeymo cusub saacadihii lasoo dhaafay ka geystay degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa waxaa ay diyaaradaha Kenya ka fuliyeen deegaanada kala ah likooleey, Buusaar, Garsaal iyo Ceel-cadde, halkaas oo ay badi ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, isla markaana waxaa la maqlayey jugta Gantaalo culus oo dhacayay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta lagu dilay Xoolo farabadan, sidoo kale ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhaawacmay walow ilaa iyo hadda aysan jirin cid sirasmi ah u faah faahisay.

Maamulka Gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin duqeyntaas, hayeeshee waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli dalka Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Cusub, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid wanaagsan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale waxaa ay duqeymo diyaaradeed uga geysteen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana duqeymaha qoorkood ka dhashay khasaaro kala duwan.