Waftigan oo ka socda Dalweynaha Maraykanka iyo Norway ayaa goordhawayd oo casar liiqii ah ka degay magaalada Buuhoodle ee xarunta Khaatumo State, waftigan oo ahaa mid miisaan cults leh ayna ka mid yihiin Senatoro, Madaxda Hay’adaha dunida ugu waa weyn sida, FAO, WHO, USAID, UNESCO, UNICEF, UNDP iyo kuwa kale ayaa gaadhay Buuhoodle, ka dib dedaalo socdey bilooyin fara badan oo madaxweynaha Khaatumo waday sidii gadoonka deeqaha caalamiga ah looga saari lahaa deegamada Khaatumo, taasoo ay geliyeen maamulada hareeraha ah ee cadowga ah Puntland iyo Somaliland.
Maamulka Garoowe oo isku dayey inuu carqaladeeyo wafuudan culus ayagoo adeegsanay Hoosgale Baabul Camey ayaa ku fashilmay, waxayna si weyn ugu ceeboobeen in hay’adaha oo gurmad u ahaa shacabka reer Khaatumo oo masiibada rabaaniga ah hayso ay isku dayaan inay is hortagaan xubnahan.
Caw 9 xubnood oo Maraykan u badan ayaa Buuhoodle u hoyday, waxana la adkeeyey amaanka Hotel abdulgurey PLAZA oo ay isku weegaareen ciidamda Khaatumo, ayadoo baraha kantaroolada ee gala kana baxa magaalada Buuhoodle oo dhan ciidamo la dhigay, waxana arintan si weyn dhankooda uga qayb qaadanaya dhamaan shacabka Buuhoodle iyo ciidamada deegaanka oo rumaystay in sida kalliya ee ay wax ku heli karaan ay tahay waxooda ay leeyihiin.
Waftigan ayaa muujiyey hiil balaadhan oo ay u Hureen dadkan la godoomiyey ee sodonka sano laga cuna qabateeyey hay’adaha iyo maalgashiga caalamiga ah.
Goordhaw filo Camerada Horufadhi iyo garoonka.
HORUFADHI.COM@GMAIL.COM