WARARKA SOOMAALI

Diyaar garoowga maalmaha xoriyadda oo siweyn uga socota Muqdisho

By Xuseen Post

June 23, 2021

Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa wada diyaar garowga toddobaadka xorriyadda Soomaaliya ee 26 June iyo 1-da Luulyo, iyadoo waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho ka socdaan howlo bilicda lagu soo celinayo.

Agaasimaha guud ee arrimaha Bulshada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo oo ay wehlisay Agaasimaha Waaxda Beeraha iyo Jardiinooyinka Marwo Kheyrto ayaa kormeer ku soo sameeyay waddooyinka ay ka socdaan Howlaha Bilic soo celinta iyo diyaar-garowga Maalmaha Xorriyadda, iyagoo ku dhiirageliyay kuna amaanay Howlwadeennada shaqada adag oo ay hayaan.

Bulshada Gobolka Banaadir ayaa dhankooda loogu baaqayaa in ay ka qeyb-qaataan u diyaar-garowga Maalmaha Xorriyadda isla markaana ay Qurxiyaan Calamana ay suraan goobahooda.