Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo Ganacsi ku lahaa gudaha dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa siyaabo kala duwan dilal loogu geystay dalkaas, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno dalkaas.
Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa deegaanka Zwide township ee duleeedka Magalada Gqeberh Port Elizabeth ku dilay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Najiib, kaasi oo gaari ku wareejin jiray Rooti, waxaana xiligii la dilayey uu watay gaarigiisa.
Sidoo kale habeen hore Muwaadin Soomaaliyeed kale ayaa lagu dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaalla xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehaladiisa.
Muwaadin kale oo isna lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan Ever ayaa waxaa 13-kii bishaan Octoober lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng.