WARARKA SOOMAALI

Dilalka loo geysanayo Soomaalida dalka Koonfur Afrika oo sii kordhaya

By xuseen waashitoon

October 25, 2022

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ku Ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xalay qeybo dalkaas loogu geystay fal isugu jiray dil iyo dhaawac, waxaana dhibaatada dhacday laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Rag hubeysan oo burcad ah ayaa dukaamo ku weeraray Muwaadiniinta Soomaaliyeed, xilli ay ku guda jireen howlahooda shaqo, waxaana la dilay Muwaadin lagu magacaabi jiray Maxamuud Cilmi oo ka shaqeyn jiray dukaan ku yaalla gobolka Gauteng .

Sidoo kale waxaa isna la dhaawacay Muwaadin lagu magacaabo Cabdi Barre Maxamed, kaasi oo durbadii la geeyay Xarun Caafimaad, kooxihii burcada ahaa ayaa goobta si dhaqsi ah falka kadib uga baxsaday.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta dilka iyo dhaawaca loogu geestay muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan baaris ay kusoo qabanayaan kooxdii dilka fulisay.

Si kastaba Waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika , iyadoo aysan jirin cid iska xil-saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lagu haayo Muwaadiniinta.