WARARKA SOOMAALI

Dil toogasho ah oo Maanta lagu fuliyay Askar dishay Darawal & Ganacsade danyar ahaa

By xuseen waashitoon

February 18, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo sabti ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba Askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda oo laba ruux ku kala dilay degmooyinka Balcad iyo Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir iyo Sh/Dhexe.

Maxkamadda ayaa xukunka dilka ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) oo ahaa ganacsade danyar ah, kaasi oo loo dilay muran ka dhashay lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo shan kun Shillin Soomaali aheyd.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku fulisay Xasan Juulle Shaakir oo isna dil u geystay Cali Taliye Cariif oo ahaa darawal Mooto Bajaaj, waxaana falkaas uu ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Qaasim Ducaalle iyo Xasan Juulle ayey Maxkamadda horey xukunka dilka ugu riday.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kal horey xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa Al-shabaab oo dilal geystay iyo Askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda oo iyaguna dad shacab ah iyo Aska kale dilay.