WARARKA SOOMAALI

Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo wararkii ugu danbeeyay

By xuseen waashitoon

August 14, 2022

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka uga dhuftay Mas’uulka ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada Puntland, waxaana falkaas uu ka dhacay xaafad ka tirsan Gaalkacyo, sida ay ku warrameen dadka deegaanka.

Kooxihii ka dambeeyay dilka khaarijinta ahaa ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaana intaas kadib gaaray halka uu dilka ka dhacay Ciidanka ammaamka Magaalada oo bilaabay howlgalo lagu raadinayey dadkii ka fuliyey falkaas oo heybtooda la garan.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntland ayaa sheegay inay wadaan weli howlgalka, isla markaana aysan jirin weli cid loo soo qabtay dilkoo xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi.