WARARKA SOOMAALI

Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo & Faah faahin kasoo baxeysa

By xuseen waashitoon

August 29, 2022

Mid kamid Ilaalada Hoteelada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa fiidnimadii xalay halkaas ku dilay Wiil kamid ahaa dhaliyarada ugu caansan Magaalada Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka loo geystay Wiilka dhallinyarada ahaa uu ka dambeeyay, kadib markii wiilka iyo Ninka ilaalada ka haayay Hotelka uu muran kooban soo kala dhex-galay dibna uu Ninka dilay wiilka.

Wiilka Dhalinyarada ah ee lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in sidoo kale uu kamid ahaa dhalinyarada sanadkaan dhameysay dugsiga Sare, Isla markaana ka qeyb gashay Imtixankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya.

Ninkii dilka u geystay Marxuunka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Mahad ayaa waxaa xiray Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyada oo ehelkiisa ay dalbadeen in Cadaaladda la horkeeno Ninkaas.