WARARKA SOOMAALI

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha 10-aad oo Maanta bilaabatay

By xuseen waashitoon

May 08, 2022

Guddiga isku dhafka ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada ayaa shahaadada Musharaxnimo Guddoonsiiyay Musharaxii ugu horreeyay xilka  Madaxweynaha isku diiwaan-geliyay, kaasi oo noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa u mahadceliyay Guddiga doorashooyinka isku dhafka ee labada Aqal ee Baarlamaanka, wuxuuna ku boggaadiyay dardar-gelinta howsha socota ee doorashada Madaxweynaha dalka.

Sidoo kale Guddiga ayaa diiwaan-geliyay Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo bixiyey lacagta  diiwaan-gelinta, isla markaana waxaa la siiyay shahaahada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha.

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha 10-aad ee dowladda ayaa Maanta si rasmi ah uga bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ay ku egtahay 10-ka bishaan May, iyadoona la filayo inay is diiwaan-geliyaan Musharaxiin farabadan.