WARARKA SOOMAALI

Diiwaan-gelinta Ergada Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo socota

By xuseen waashitoon

October 30, 2021

Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland( SEIT) ayaa wada Diiwaangelinta Ergooyinka kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee tirsigoodu yahay HOP239 iyo HOP237.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa Diiwaan-gelinta Ergooyinka kuraasta labada kursi ee Golaha Shacabka si habsami le uga wada xarunta Villa Rosa ee Magaalada ee Caasimadda ah ee Muqdisho.

Diiwaan-gelinta Ergooyinka ayaa waxaa barbar socoto qabashada Codsiga araajida Musharixiinta eel aba kursi, iyadoona maalinta berri oo Axad ah tababar la siin doono Ergooyinka codaynaya ee Diiwaan-geliyay.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa ku sugan xarunta Lagu diiwan galinayo Ergooyinka iyo Musharixiinta u tartameysa kuraasta,  iyagoona xaqiijinaya dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Gollaha Shacabka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, iyagoona Guddiga doorashada tilmaamay inay wadaan diyaar garoow.