WARARKA SOOMAALI

Digniin laga soo saaray Heshiis Dowladda Somalia la saxiixaneyso Shirkaddo

By Xuseen Post

January 04, 2021

Saacadaha soo socda ayaa waxa la filayaa in Dowladda Soomaaliya ay heshiis Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho kula saxiixato Shirkadaha Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty, kuwaas oo qabilsan qotista shidaalka, heshiiska oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayay.

Heshiiska waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo shalay Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor ) oo Maanta Muqdisho si deg deg ah kusoo gaaray.

Blockyada Shidaalka ee la bixinaayo ayaa waxaa ay ku kala yaalaan Xeebaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Xeebaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, degmooyinkaas oo kamid ah meelaha Soomaaliya kamid ah oo horay sahminta looga sameeyay.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo shalay soo saaray qoraal ay ka digayaan in dowladda Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la saxiixato Shirkadahaas, iyaga oo sheegay in uu dhibaato u keeni karo howlaha deyn cafinta Soomaaliya.

Siyaasga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maanta u xirtay wadada Madaxtooyada ilaa Garoonka  shirkado ajnabi ah oo loo saxiixayo xirmooyin shidaal, iyadoo aan la marin shuruucdii iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Sababta ugu wayn ee xilligan heshiiska loogu degdegayo, iyadoo muddo xileedkii dawlada uu gebogebo yahay waa in shirkadaas laga helo dhaqaale lagu galo doorashada.