WARARKA SOOMAALI

Dibad-baxyo ka dhan ah maamulka Puntland oo Boosaaso laga abaabulayo iyo sababt-Akhriso

By Abdi rashid

June 17, 2020

Boosaaso (HM) – Wararka maanta ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in gobolkaasi uu ka socda abaabulka dibad-baxyo balaadhan oo lagu wado inay dhigaan shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Boosaaso.

Dibad-baxyadaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa in looga horjeedo mamulka Puntland, gaar ahaan hanaanka ay u qaybisay afarta waaxood ee ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in la qabto mudaharaadyadaasi maalinta jimcaha ee inagu soo aadan,haddii aysan maamulka degmada wax ka bedalin.

Sidoo kale qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland inay dhibaato iyo kala qeybin ka wado magaalada Boosaaso, islamarkaana ay ka tirsanaayaan cadaalad darro.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee maamulka Puntland oo ku aadan xiisada ka taagan halkaasi.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa sida loo qeybiyey afarta waaxood ee Boosaaso, taas dhalisay xiisad hore leh oo u dhexeysa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo shacabka ku nool Gobolka Bari oo tallaabadaas si weyn uga biyo diiday.

Horufadhi News

Sawir hore Boosaso. @Horufadhi News