Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka Febraayo ayaa waxaa lagu waday inuu furmo Shirkii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, hayeeshe dib u dhac ayaa ku yimid.
Shirka ayaa la qorsheeyay inuu ka furmo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay isugu tagaan halkaas, si looga hadlo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.
Puntland iyo Jubbaland oo shirka uu ku baaqay Farmaajo soo dhaweeyay ayaa soo jeediyay in shirkaas lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, ayna kasoo qeyb galaan Beesha Caalamka iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.
Baaqa labada maamul ayaa waxaa ku taareegay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoona sheegay in shirka loo baahan yahay in la balaariyo, si looga wada hadlo khilaadka doorashada.
Dowladda Federaalka oo ka hadashay soo jeedinta Puntland iyo Jubbaland ayaa mar kale ku celisay in 15-ka bishaan Febraayo oo Maanta ku beegan uu ka dhacayo Garoowe, hayeeshee shirkaas ayaa gebi ahaan u muuqda mid dib u dhac uu yimid, xili Beesha Caalamka ay digtay in Shirkaas uu dib u dhac ku yimaado.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magacaabay Guddi farsamo oo qaban-qaabin doona Shirka looga hadlayo khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.