WARARKA SOOMAALI

Dhul-gariirkii Turkiga iyo Syria oo ay ku dhinteen in ka badan 11,200 oo Qof

By xuseen waashitoon

February 08, 2023

Isniintii la soo dhaafay,  Dhul-gariir xoog badan oo Halbeegiisu kala ahaa 7.5 iyo 7.8 Richter Scale ayaa waxa uu ku dhuftay K/Bari ee Turkiga iyo Waqooyiga dalka Syria.

Tiro-koobkii u dambeeyey ee Dhul-gariirkii dalka Turkiye waxa uu goor dhow gaaray ugu yaraan 8,574 qof oo dhimasho ah.

Sidoo kale, Tiro-koobkii u dambeeyey ee dalka Syria ayaa waxa goor dhow lagu sheegay inay in ka badan 2,662 qof ku naf waayeen Dhul-gariirkii ka dhacay Waqooyiga dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Tiro-koobyadan ma aha Natiijadii ugu dambaysay ee Tiro-koobka saxda ee dadkii ku dhintay Dhul-gariiradii ka dhacay labadaasi dal Isniintii la soo dhaafay.