WARARKA SOOMAALI

Dhul-gariir xoog leh oo Maanta ku dhuftay Indonesia iyo Wararkii ugu….

By xuseen waashitoon

December 14, 2021

Dhulgariir cabbirkiisu sarreeyo ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku dhuftay bariga dalka Indonesia, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Mareykanka (USGS), iyadoo digniino laga soo saaray surtagalnimada mowjado dhulgariir ah oo ku dhufta dalka Indonesia

Dhul-gariirku wuxuu ka dhacay waqooyiga jasiiradda Flores ee gobolka Nusa Tenggara ee bariga Indonesia ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.3 RS, halkaasoo dhulgariirku ka dhashay argagax ka dib markii uu dhacay 0320 GMT.

Hay’adda saadaasha hawada ee Indonesia,Climatology, iyo Geophysical Agency oo loo yaqaan BMKG ayaa goor sii horaysay sheegtay dhulgariirkan cabirkiisu ahaa 7.4, waxayna ka digtay “Tsunami suurtagal ah”.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah ee  ka dhashay deegaannada laga dareemay dhulgariirku, balse maamulka ayaa ku baaqay in laga digtoonaado.

Digniino ayaa laga soo saaray deegaanada ay ka mid yihiin Maluku, East Nusa Tenggara, Galbeedka Nusa Tenggara,Koonfur Bari iyo Koonfurta Sulawesi, ka dib markii dhulgariirku uu ku dhuftay meel 112 km (69.59 miles) waqooyi galbeed kaga beegan Larantuka, oo ku taal bariga Flores.