WARARKA SOOMAALI

Dhul-gariir Ruxunkiisa yaraa oo ka dhacay dalka Turkiga

By xuseen waashitoon

February 22, 2023

Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 2.5 Richter Scale ayaa Duhurnimada maanta oo Arbaco ah waxa uu ka dhacay Gobalka Kahramanmaraş ee dalkaasi Türkiye.

Dhul-gariirka oo aan u xoog badnayn sidii kuwii lagu hoobtay ee bishan February 6-dii ka dhacay dalka Türkiye, ayaa waxa uu kii maanta ka dhacay deegaan 25 KM u jirta Degmadda   Kalebotnu-Göksun ee Gobalka Kahramanmaraş.

Dhul-gariirka ayaa waxa uu dhacay duhurkii maanta,  Abaarihii 02:41 daqiiqo ee xilliga dalkaasi.

Lama soo tebinin wax khasaaro ah oo uu geystay Dhul-gariirka maanta ka dhacay dalkaasi.

Bishan February 6-dii,  labo Dhul-gariir oo Halbeegoodu ahaa 7.7 iyo 7.6 Richter Scale waxa uu ku dhuftay K/Bari ee dalka Türkiye, waxaana ku geeriyootay ugu yaraan  41,156 qof, halka ay Tobanaan kalena ku dhaawacmeen.