WARARKA SOOMAALI

Dhul-gariir iyo Qarax xoog leh oo ka dhacay Syria & Wararkii ugu danbeeyay

By xuseen waashitoon

February 21, 2023

Barqanimadii maanta oo talaado ah, ayaa waxaa uu Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 3.6 Richter Scale ka dhacay dalka Syria gaar ahaan deegaan 43 KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalada Lattakia ee dalkaasi.

Xarunta Qaranka ee Dhul-gariirka (The National Earthquake Center) ayaa sheegtay inay socdaan Xog Ururin ku aadan Khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirkaasi oo ah kii 2-aad oo wax ka yar 24-saacadood la dhaca dalkaasi.

Fiidkii xalay abaarihii 08:4 daqiiqo ee xilliga dalka Syria waxa uu Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 6 digiree ee Richter Scale ka dhacay deegaanka Liwa Iskandarun oo 52 KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalada Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria.

Dhanka kale, Gaari miinaysan ayaa waxa uu ku qarxay xaafada Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Darac ee K/Galbeed ee dalkaasi Syria

Ilo dhanka Caafimaadka ayaa sheegay inuu Dareewalkii gaariga ku dhaawacmay Qaraxaasi, iyadoo loola cararay Isbitaalka Qaranka ee Degmadda Darac,  si looga daaweeyo dhaawacyada soo gaaray.