WARARKA SOOMAALI

Dhalashadii iyo Barbaaridii Maryam/Adegtadii Alle (Qormo Suleiman Hashi)

By Xuseen Post

June 06, 2021

Qisadda ku saabsan Maryam Bintu Cimraan, waa mid Macaan Quraankuna si qoto dheer oo xigmadaysan aqoon iyo aragti dheer oo Rabbigeena ahna ku siinaysa.

Hadaba Maryam sideey u Dhalatay una barbaartay?Maryam Hooyadeed waxa la odhan jirey Xannah, waxay ahayd Aafadii Cimraan oo Maryam Aabaheed ahaa, Cimraana wuxuu ka mid ahaa Culimadii reer Bini’Israel ee wan wanaagsanaa, Maryam Hooyadeed Xannah iyo Cimraan midna caruur ma dhalin, maalintii danbe ayaa Xaaskii Cimraan waxay aragtay geed gurigeeda ku horyaala Shinbir ay u yaaleen, Ukunteedii oo marna ku fadhiisanaysa , kolkii danbe ee ay dilaaceen, ee Af ay wax ku cunaan yeesheena inteey u Qidhaab tagto, waxii adeeg ah ee Eebe weyne kor ahaaye ugu soo dhiibo afka ugu guraysa, Maamadii Xannah waxa galay dareen weyn, waxay aragtay xigmada ku jirta shinbirtaas xayawaanka ah iyo sida ay ilmaheeda u korsanayso, ayadoo yaqiinsan in dhamaan waxan oo qadar ah uu Allaah ka danbeeyo, waxay bilowday Alla tuug, waxayna tidhi , Rabbi ya Rabbi , sidaad shinbirtaas u siisay ubadkaas yar yar ee markii horena Ugxanta ahaa, ka dib ay ku fadhiisatay si ay dugsi u siiso, markeey dilaaceena Quud iyo qidhaab ugu raadisay ana ubad /Ilmo ayaan kaa rabaa.

Markii Eebe aqbalay baryadii Xanna, ee wax u guntameena waxay wacad Eebe ku martay in ilmaha caloosheeda ku jira ay u Hibeyn doonto inuu/Ineey noqoto ama noqdo mid Eebe diintiisa u Khidmeeya, balantaasey qaaday, Way dhalatay, waxayse filaysey inuu Wiil noqdo maxaa yeelay wiilasha ayaa aad ugu wacan masaajidada iyo dhaxgalka bulshada Gabadhu aad ugama wanaagsana inay noqoto ruux kolkasta dhextaagan ama dhex socda Masaajidka oo waa wada cawro, hase yeeshee Eebe ayaa qeexay, markeey dhalatayna Waxay tidhi ” Waa dhalatay ayadoo dhedig”Isku midna mahaa mid Dhedig iyo kan lab” ayadoo xoogaa cudur daarasho dareemayse , hase yeeshee waxay hadana tidhi Xannah oo Muuminad ahayd, waxan u bixiyey Maryam”Macnaha Maryam waa ‘ U adeegto Alle”, waxayna tidhi Eebe ayaan u dhiibey una hibeeyey korinteeda iyo ka ilaalinteeda shaydaanka”.

Odeygii Cimraan waa xijaabtay, Xannah waxay soo qaaday ,Maryam oo yar waxayna keentay Baytul maqdas , waxayna ku wareejisay culimadii Masjidka, waxana kolkaas Nabi ka ahaa halkaas Nabuyullaahi Zakariyah CS.

Markii loo keenay cunugtii ducaadii ninkastaa wuxuu doonay inuu gabadha Allaah koriyo, waa la isku wada qabsaday, anigaa korinaya oo kafaalo qaadanaya iyo mayee anaa korsanaya, waxana lagu heshiiyey in la qori tuurto. Webiga Urdun ayaana la isla tegay waxana la isku afgartay inkastoo waxkasta ahaayeen maamul Eebe kor ka maamulayo in qofkastaa qalinkiisa ku tuuro webiga, ruuxa Qalinkiisu quuso oo webiga u deggo cunugta wakaaladeeda ma leh, kan qalinkiisu sabeeyo oo socdana ma leh, waxa wakaalada qaadan doona ruuxa qalinkiisu barta lagu tuuro uusan ka dhaqaaqin ee biyuhu aysan liqin isla markaana aysan gaxaysan.

Qalinkaas danbe wuxuu noqday kii Nebi Zakariye Cs, asagaana noqday kan korinta loo wakiishay, Zakariye wuxuu qabay Maryam Habaryarteed, oo ah Xannah Maryam hooyadeed walaasheed, Waayeela wey ahaayeen Ubadna ma aysan lahayn, Zakariye qol yar ayuu uga sameeyey Maryam Mixraamka halka Imaamku dadka ku tujjo agteeda, qafila waa lagu xidhaa.

Halkaas ayuu quudka ugu keenaa, waxa qisasku lee yihiin Maryam maadama Eebe balanqaaday korinteeda maalintii waxa ku darmi jirey koritaankeeda inta ilmaha kale bil ku daranta oo dhankasta ah, Sida Caqliga, Jismiga iyo sikastoo korinta Aadanuhu yahayba, waxa taas dheeraa kolkasta oo Zakariye u keeno cuntada wuxuu qolka yar ee Mixraamka ay degen tahay ugu imaan jirey Burcad iyo Midho, wakhtiguna jilaal buu ahaa, qolku waa xidhan yahay, furaha asagaa wata, Caraddu waa Abaar , Burcad iyo Midho waxa la helaa xili roobaadka, waa uu yaabay Nebigii, wuxuuna ka fursan waayey inuu weydiiyo Maryam yaa keena ALaabta” Wuxuu yidhi Alla u adeegtooy’Maryameey, yaa keena Rizqigan, waxay tidhi Maryam oo jawaabtay wuxuu ka yimaada xaga Eebe, kaasoo, waa Eebe weynee kor ahaayee, wax Arzaaqa xisaab la’aan.

Qisada badankeeda waxa ay ka buuxdaa Zarutul Al Cimraan, oo sababu nasuulkeeduna ahaa Waftu Nasaara Najaraan, oo ahaa 60kii ugu caqliga, cilmiga iyo maalka badnaa ee Nasaara oo Nebiga CSW u yimid ayagoo la shir tegay doodii Raqiiska ahayd ee ahayd in Nebi Ciise Allaah yahay,”Subxan Allaah”, markaas ayaa Eebe nebigeenii xabiibka ahaa, uga waramay waxii dhacay, iyo sida Ciise warkiisa daaya xataa hooyadii ku timid ama lagu dhalay, oo doodii markii ugu danbeysay gaaladii looga adkaaday ayna qaateen inay dulinimo qaayibaan oo bixiyaan Jiziyah.

Aan qisadii ku noqonee, Maryam si wacan beey u kortay, weyna hanaqaaday kolkeey gaadhay tobanka sanaba.Markii koritaanka iyo Barbaarinta wanaagsan ee Maryam uu arkay Nabi Zakariye ayuu ka wayraxay, wuxuuna dhankiisa ka tuugay Allaah cunug, Rabi ya Rabi, ayuu ka bilaabay ducadiisa, Deg deg ayuuna Allaah amar u siiyey Malakul Jebriil oo ugu bishaareeyey Yaxya binu Zakariyah, asagoo waayeel ahna uu Allaah awoodiisa ugu Takrifalay inuu labadaas ruux ee waayeelka ahaa Wiil siiyo, Yaxye iyo Maryam waxay ahaayeen Habro-Wadaag, Yaxye iyo Ciisena waxay isku ahaayeen Abti, isku facna mahaa. Qisadda Ciise iyo Nabi Zakariye oo su’aal ka keenay sida Ciyoow ee codsigisa looga ajiibey asagoo waayeel ah, xaaskiisiina waayeeshay waa inoo markale maadama qoraalku dheeraaday.F.G:Qisooyinka Quraanku waa wada macaan yihiin,in laga wada faa’ideystana waa fiican tahay, aadna loo dheegto, waayo awoodaha Allaah iyo sida uu Eebe weyne Aayaadka cad cad inaga iyo dadkii inaga horeeyeyba u tusiyey ayaa loo baahan yahay Cibro iyo cibaadana waa la rabaa.

Wallahu Aclam

W/Q: Suleymaan Xaashi.