WARARKA SOOMAALI

Dhacdo Naxdin leh: Hooyo si bareer ah Caawa u gubtay Caruur ay dhashay

By Xuseen Post

December 12, 2020

Maqribnimadii Caawa hooyo ayaa Caruurtii ay dhashay waxaa ay ku gubtay deegaan ku yaalla bariga Gobolka Togdheer ee Xukuumadda Somaliland, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaas.

Dad ku sugan Magaalada Burco ayaa ku warramay in Caruurta oo Afar ahaa lagu gubay deegaanka Naqdhabiijo, isla markaana Caruurta ay si bareer ah u gubtay hooyadii dhashay oo heysay.

Warar hordhac ayaa sheegaya in Hooyada xoogaa Madaxa looga juray, kadibna Maqribnimadii Caawa ay dab ku gubtay Afar Caruur ah oo ay dhashay, waxaana falkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laba kamid ah Cauruurtii la gubay ayaa goobta ku geeriyootay, halka labada kalena ay dhaawacyo Culus soo gaareen, kuwaasi oo si deg deg ah dadka deegaanka ay u geeyen Isbitaalka guud ee Magaalada Burco.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo lagu wargeliyay dhacdadaas ayaa tegay halka Caruurta ay ku gubtay Hooyadii dhashay, iyagoona gacanta ku dhigay Hooyadii Cauuurteeda dishay.

Dadka deegaanka Naqdhabiijo ee bariga Gobolka Togdheer oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay siweyn uga naxeen dhacdadaas oo Caawa aad looga hadlaayo gudaha Magaalada Burco ee Gobolkaas.