WARARKA SOOMAALI

Dhacdo Naxdin iyo Argagax leh oo ka dhacday Degmo ka tirsan Gobolka Gedo

By xuseen waashitoon

November 21, 2021

Wararka ka imanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay dad harraad iyo gaajo ugu dhinteen miyiga deegaannadaas oo ay abaarta guud ahaan ba dalalka geeska Afrika ka taagan saamaynta ba’an ku hayso ka mid ah.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Cali Kadiye Maxamed ayaa BBC u sheegay in 3 qof ay oon iyo gaajo ugu dhinteen deegaanno hoostagga degmada Luuq.

Wuxuu intaa ku daray dad badan ay kasoo barakaceen abaaraha kuwaas oo haatan ku dhibaateysan deegaanka.

“Dhimashada hadda waxay mareysaa 3 qof, dadkaas waa dadkii reer miyiga ahaa ee xoolo dhaqatada ahaa, Dadka dhintay waa dadkii degenaa inta u dhexeeysa Luuq iyo Garbaaharrey, oon iyo rafaad fara badana waa ka muuqdaa” ayuu yiri Cali Kadiye.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo sareen uga digay xaaladda abaaraha ka taagan qeyba ka mid ah dalka in ay ka dhalan karta saameyn ballaaran.