WARARKA SOOMAALI

Dhacdo naxdin & Argagax leh oo ka dhacday Muqdisho Gabar Aroos aheyd oo la dilay

By xuseen waashitoon

September 18, 2022

Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa Gabar aroos aheyd oo ay Kooxo hubeysan oo Burcad ah ku dileen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Gabadhaan oo lagu Magacaabi jirey Caasho Daahir Xasan ayaa rasaas waxaa ku  furey iyadoo iyo ehelkeeda Koox Burcad ahayd oo la sheegey in ka ka dhacayeen Mobiladii ay siteen

Alaha ha u naxariistee Caasha ayaa xilligii la dilaayey waxaa loo galbinayey Gurigeeda waxaa kaloo la sheegey in  Abtigeed uu ku dhaawacmey weerarkaas Burcadnimada ah, sida ay ku warrameen dad goobta Agdhawaa.

Hooyo Hidaayo oo dhashey Marxuumad Caasha ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatey in Gabadheeda Hesho Cadaalad, isla markaana lasoo qabtay dadkii ka dambeeyay falkaas khaarijinta ahaa.

Dadka deegaanka Xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta aad u hadal haaya dhacdadaan xanuunka badan, waxaana dadka qaakood ay murugta la qeybsadern qoyska Marxuumada.